August 14, 2021 Sabti:
Raisal wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Nairobi kula kulmay Hogaamiyaha Jabhada ONLF ee ka dagaalanta Itobiya iyo C/kariin Qalbi dhagax oo Xukuumadii ka horaysay Rooble ee kheyre ay u dhiibtay Dowlada Itobiya.
Kulanka Rooble ayaa meesha ka saaraya Hadalkii ka soo yeeray Xukuumadii ka horaysay Rooble ee uu hogaamin jiray kheyre oo dabayaaqadii 2017-kii kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ku tilmaamay Ururka ONLF iyo Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax ku sheegay in ay yihiin Argagixiso, loona baahan yahay in Naf iyo maalba lagu wareejiyo dadkaas Dowlada Itobiya.
Kulankan sadaxda Mas’uul oo ka dhacay Nairobi ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday maxamed C/llaahi farmaajo oo aan Wali Cudurdaar ka bixin qaladkii ay gashay Dowladiisa, maadama uu ahaa Gudoomiyaha Amniga Qaranka oo uu go’aanka uu Rabo ka qaadan karay dhiibistii Qalbi dhagax.
Sidoo kale Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya kheyre ayaa bilo ka hor waxa uu kulan aan la shaacin magaalada Nairobi kula yeeshay Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax, waxaana la sheegay in kheyre uu sameeyay Cudurdaar halkaasna uu ku dhiibay Xaalmarin sida ay bogaan u sheegeen dad kulankaasa goob joog ka ahaa.
Abdihakim Elmi Hassan
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________