Moqdisho,August 07, 2021 —Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka garabka uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni.
Doorashadaan ayaa timid ka dib markii garabkii Cabdi Xaashi maanta aysan soo xaadirin sababo la xariira tabasho ay qabeen.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray doorashada maanta, waxaana goobta ay ka dhacday ku sugnaa Wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Khadar xariir Xuseen, ayaa noqday gudoomiyaha guddiga doorahada Soomaaliland iyada oo aysan goobta soo xaadirin Afartii Xubnood ee Gudoomiye ee uu soo magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi.
Guud ahaan waxaa fashilmay wadahaladii socday ee ku saabsanaa xal u helista Arrimaha doorashooyinka.
Garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu waddaa in dhankooda ay doortaan guddoon Saacaddaha soo socda.
Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________