876 Views

Boliska Madagaskar oo sheegay in ay xireen dad Afgembi xilka uga tuuri lahaa Madaxweyne Andaray Rajoelina

Boliska  Madagaskar oo sheegay in ay xireen dad  Afgembi  xilka uga tuuri lahaa Madaxweyne Andaray Rajoelina
____________________________________________________________________________

.


isniin: August 2, 2021

Boliska waddanka Madagaskar waxay sheegeen in la xiray 21-qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Milliteriga iyo kuwa Xoojinta Sharciga, kuwaasi oo lala xiriirinayo Afgembigii xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Andaray Rajoelina.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee dalkaasi, Bertin Razafiyarifuni ayaa u sheegay Suxufiyiinta in 14 ka midah Eedeysanayaasha la xiray loo gudbiyey Hayโ€™adaha Baaritaanka.

Waxa uu intaasi ku daray in Baarayaasha heleen Dukumenti faahfahin ka bixinayo Qorshaha Istraatijiyada ee lagu khaaarijin lahaa 5 Siyaasi oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Madagaskar.

Bishii la soo dhaafay ee July ayaa la fashiliyey Afgembigaasi, iyadoo la xiray dhowr qof oo ay ka mid ahaayeen 2 Muwaadin oo Faransiis ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post