.
Axad: AUGUST 1, 2021 2021
Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laft-gareen soo saarista jadwalka doorashada iyo liiskooda musharixiinta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidookale waxaa uu u rajeeyay dowlad goboleedka Koofur galbed iney doorashada ku qabsiinto jawi nabdoon oo hufan.
Dowlad goboleedka Koofur galbeed soomaaliya ayaa shalay soo saaray liiska musharixiinta u tartama kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhamaan xubnahaasi aysan ku jirin kuwii hore islamarkaana kuwa liiska kasoo muuqday ay yihiin kuwa ku cusub maslaxa siyaasada dalka.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________