Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyada oo siweyn halkaasi logu soo dhaweeyay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Magaalada London uga qeyb geli doona shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada oo sanadkaan ay marti gelisay dowladda Ingiriiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo UK waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ,Madax iyo Mas’uuliyiin kale ee ka qeyb galeysa caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________