Isniin: July 26 2021
Suuli dhalaalaya oo dahab ka kooban iyo waxyaabo kale oo raaxo leh ayaa laga helay guri weyn oo ay weerareen baadhayaasha Ruushka, kuwaas oo sheegay inay ay haysteen koox budhcad ah oo boolis ah.
Websaydhada Gudiga Baarista (SK) ayaa la soo dhigay muuqaal muujinaya,inta ay leeg tahay hantida qaaliga ah ee gurigaas dhex taal.
Col Alexei Safonov, oo ah madaxa booliska taraafikada ee koonfurta gobolka Stavropol, ayaa lala qabtay lix qof oo kale.
Booliska taraafikada ayaa la sheegay inay laaluush ka qaateen bixinta rukhsad been abuur ah oo ay siiyeen meheradaha ganacsiga.
Ruqsadaha ayaa la sheegay inay awood u siisay darawallada inay ka gudbaan baraha koontarool ee booliiska iyagoo wata alaab aan la ogolaadeen.
Eedeysanayaasha ayaan wali ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.
Ciidamada booliska ee guud ahaan Waqooyiga Caucasus ee Ruushka ayaa ku lug lahaa howlgalka la dagaalanka musuqmaasuqa. SK waxay sheegtay inay sameysay ilaa 80 baaritaan – oo ay kujirto xafiisyada booliska taraafikada – ayna ku qabteen lacag badan, iyo gawaari nooca raaxada ah.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________