Isniin: July 26 2021
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaley waxa uu magacaabay guddi gaar ah oo ka kooban 13 xubnood kaas oo xaqiijin doona in haweenka ay doorashada dadban ka helaan ugu yaraan qoondo boqolkiiba 30 ah.
Haweenka oo arrintaas soo dhaweeyay ayaa waxa ay ku doodayaan in arrintan ay ku timid mar haddii aanay dadweynuha codkooda toos u dhiibanayn, haweenkana mar walba garabka la geliyo.
Guddoomiyaha guddiga la magacaabay Batuula Sheekh Axmed Gaballe ayaa carrabka ku adkeeysay inay qasab tahay in la fuliyo arrintaasi, haddii ay dhici waysana ay qaadici doonaan wixii ka soo baxa doorashada
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________