1059 Views

Ethiopian Airlines oo soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa loo leexiyay Garoon kale.

Ethiopian Airlines oo   soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa loo  leexiyay Garoon kale.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021

Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa goordhoweyd soo saartay qoraal ay ku shaacineyso in duulimaadyadii Addis Ababa ee garoonka Bole International Airport la leexiyay, sababo la xiriiro isbedel xun oo dhanka cimilada ah.

Qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Shirkada ayaa lagu sheegay in duulimaadyadii aadayey garoonka Bole loo leexiyey garoomada ku dhow-dhow, oo aan si faah-faahsan loo cadeyn.

“Taxaddar dartiis, duulimaadyada ku wajahan Addis-Ababa ayaa loo weeciyey garoomo diyaaradeed kale oo ku dhow sababo la xiriiro cimilada aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Addis Ababa Bole International Airport,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

“Maadaama bad-qabku yahay ahmiyadeena koowaad, duulimaadyada aadayey Addis Ababa ayaa hadda ka dagaya garoomo diyaaradeed kale, waxayna ku laaban doonaan meeshii ay markii hore u socdeen markii cimiladu hagaagto. Wixii warar ah ee kusoo kordha duulimaadyada waan idinla socodsiin doonaa. Waxaan ka raali galineynaa macaamiisheenna sharafta leh dhibaatooyinka ka dhashay wax ka baxsan awooddeenna.”

Waxaa saacadihii u dambeeyay isbedel cimilo oo aad u sareeya uu saameeyay guud ahaan caasimada dalka Itoobiya, waxaana la arkayey cayryaamo aad u badan oo saameyn ku yeelatay is-araggii xitaa gaadiidka caadiga ah ee marayey jidadka magaalada.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in diyaarado saaka laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Bole ay ka dageen dalka Jabuuti, kadib markii ay u suurto-geli weyday inay ku dagaan garoonkaas oo muddo ku dul

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post