1086 Views

Wasiirka caafimaadka ee dalka Tunuusiya oo shaqada laga ceyriyay

Wasiirka caafimaadka ee dalka Tunuusiya oo  shaqada laga ceyriyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 21  2021


Wasiirka caafimaadka ee dalka Tunuusiya Faouzi Mehdi ayaa shaqada laga ceyriyay iyadoo wadanku uu la daalaa dhaceyo la tacaalidda tirada sii kordheysa ee kiisaska fayrska karona.

Korarka kiisaska ayaa qasbay inay gabaabsi noqdaan adegyadii caafimaadka waxaana jira oksijiin yari ka jirta isbitaalada ku yaalla dhowr gobol oo dalkaas ka tirsan . Horraantii bishaan afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ayaa xaaladda ku tilmaamay “musiibo”.

La-taliye ka tirsan wasaaradda caafimaadka ahna madaxa xarunta tallaalka Palais des Congrès ee Tunuusiya, Rafla Tej Dellagi, ayaa sheegtay in xaaladdu dalka ee cudurka ay marayso meel halis ah .

“Uma maleynayo inaan gaarnay heerkii ugu sarreeyay haddana nidaamka caafimaad ee dalka wuxuu ku jiraa xaalad khatar ah: kaliya ma ahan inaan gaarnay qiyaastii 200 dhimasho ah maalin kasta … balse sidoo kale adeegyada daryeelka bukaannada, isbitaallada la dhigo, sariiraha oksijiinta ayaa xilligan sarreeya” ayay tiri Rafla Tej.

Waxay sheegtay in Tunuusiya ay u baahan tahay inay si dhab ah u xoojiso barnaamijkeeda talaalka si looga hortago faafida cudurka.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post