Isniin: July 19, 2021
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay in caqabad siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolka Hiiraan, waxayna ku adkaysanayaan in dadka gobolka Hiiraan ay ka midaysan yihiin qabashada doorasho loo dhan yahay.
Midowga musharrixiinta ayey ugu baaqeen inay raalligelin buuxdo ka bixiyaan hadalka ay war saxaafadeedka ku soo saareen.
Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa walaac ka muujiyey caqabado ay ka mid yihiin ismari-waaga doorashada gobollada waqooyi, gaabis dhinaca doorashada, kuwaasoo ay sheegeen in haddii aanan si deg deg ah wax looga qaban, ay dib u dhac ku keeni karaan habsami u socdka doorasho loo dhan yahay.
Xubnaha Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale sheegay inay ka welwelsan yihiin faragelin ay sheegeen inuu madaxweyne Farmaajo ku hayo hanaanka doorashada dalka.
Waxay si gaar ah ugga hadleen arrimaha doorashada gobollada waqooyi, xaaladda gobolka Gedo, caqabadaha siyaasadeed ee ay sheegeen inay ka taagan yihiin gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.
Haddaba Siraaji Sheekh Isaaq Cabdulle, oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle oo haatan kusimaya madaxweynaha maamulkaasi, isagoo ku sugan magaalada Baladweyne ayuu la hadlay BBC-da.
Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in hadalka kasoo yeerey Midowga Murashaxiinta inuu yahay mid aan u qalmin bulshada kudhaqan gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Siraaji, ayaa tilmaamey in maamulka Hirshabeele ay diyaar u yihiin qabashada doorashada, taasoo ah waliba mid xor iyo xalaal ah.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa si kulul ugga jawaabay war kasoo baxey Midowga Murashaxiinta.
Jeyte ayaa sheegay in magaalada Baladweyne ay ku sheegeen Midowga Murashaxiinta meel aan ammaan aheyn, taasoo ah buu yiri been aan sal iyo raad laheyn.
Cismaan Dhuuboow, oo ah guddoomiyaha degmada Balad Weyne, ayaa ku tilmaamey war ay soo saareen Midowga Murashaxiinta mid qalqal loogga abuurayo magaalada Balad Weyne.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________