996 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Jimco: july 16, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee BFS ee uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

“Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post