687 Views

Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo Gudoomiye Cuusb u Magacaabay degmada Buulo-Burde

Wasaarada  Arrimaha  Gudaha Hirshabeelle oo Gudoomiye Cuusb u Magacaabay degmada Buulo-Burde
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 15 2021

Wasiirka  Wasaaradda  Arrimaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Gudoomiye Cuusb u Magacaabay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan kaidb markii Gudoomiyihii degmadaas Shaqa jooojin lagu sameeyay.

Wareegto kasoo baxday Xafgiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa Axmed Mahad Nuur loogu Macagaabay Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii degmadaas Feysal Haajir Aadan oo maalmo ka hor uu Shaqa joojin ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed).

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu faray dhamaan Hayโ€™adaha Amniga iyo Shacabka degmada buulo-Burde inay la Shaqeyaan Guddomiyaha Cusub ee loo soo Magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada buulo-Burde ee Goblka Hiiraan waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalatay Shaqa joojin lagu sameeyay Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde iyo kuxigeeniisa, iyada oo Odayaasha Dhaqanka degmada ay ku eedeeyeen Madaxda Hir-Shabeelle inay khalalaaso ka abuurayaan degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post