Sabti: July 10- 2021
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana si diiran u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Gobolka.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu uu ku yimid Garbahaarey ayaa la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta deegaanka.
Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka kugu tagey Ciidanka Xoogga ee ku sugan garbahaaray ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________