1293 Views

Magaalada Galdogob oo Google Maps ku sheegay in ay ka mid tahay Itobiya.

Magaalada Galdogob oo Google Maps ku sheegay in ay ka mid tahay Itobiya.
____________________________________________________________________________

Jimco: July 9, 2021

Wadanka Soomaaliya oo mudo dheer ku jiray dhibaatooyinkii ay keeneen dowlad burburku, waxaa dhinacyada dayacaad badani soo gaartay ka mid ah dhinaca juqraafiyada dhul, bad iyo cir. Maanta aduunka waxaa jehaynaya iclaanka technolojiyada xambaarsan oo uu ugu weyn yahay Internet-ku iyo arimaha la halmaala.

Magaalada Galdogob waa degmo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Mudug, Puntland, Soomaaliya, qaybta muujisyada juqraafiga dhulka iyo wadamada ee shirkadda weyn ee Google waxay magaaladaasi ugu suntantahay in ay ka mid tahay dalka Itoobiya, lama garanayo sababta keentay arinkaan, ma satellite-kooda ayaa u qabtay in magaaladaasi ka mid tahay dalka Itoobiya, ma dowladda Itoobiya ayaa u gudbisay in ay Galdogob ka mid tahay dalkeeda lama garanayo

Shabakadda Wikipedia oo ah mid uruurisa macluumaadka aduunka, ahna shabakad aad loogu kalsoon yahay ayaa Goldogob ka qortay sidan:

Galdogob, also spelled Galdogob, is a border town wholly administered by the semi-autonomous Puntland State of Somalia, and serves as the capital of the Galdogob District within the Mudug region.Wikipedia

Galdogob oo sidoo kale loo qori karo Goldogob waa magaalo xuduudeed, dhamaan ay maamusho dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, waana magaalo madaxda degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Marin habaabinta ku jirta Google Map waa mid u baahan in wasaaradda teknolojiyadda ee Soomaaliya ay  ka dacwooto, lana xiriirto shirkadda Google si dhakhso ah waayo shaqooyin badan oo dhinaca internet-ka ah ayaa ku xiran, magaalo dal ka tirsan basle dhinaca online dal kale ku astaysan waxay keenaysaa dhibaatooyin dhinaca sharciga ah .

Tusaale qofka raba inuu u safro magaalada Galdogob, haduu internet-ka ka raadsho meesha loo maro magaalada ama habka lagu gaari karo, Google Maps waxay soo saaraysaa in magaaladu ay tahay Itoobiya taas oo markaa khasbaysa in qofkaasi fahmi waayo meesha wax ka khaldan yihiin.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya uu Google places u yaqaan magaalo walba 2 ama 3 magac sida: (Muqdisho, Mogadishu) (Garoowe, Garowe) (Hargeysa, Hargeisa) taas oo keenaysa khalkhal dhinaca magacayada iyo weliba dhinacyada ganasiga iwm.

Magacyada magaalooyinka Soomaaliya oo aan cadayn waxa ay nagu keeneen in aan si hagaagsan u adeegsan weyno google places api oo aanu uga baahannay samaynta barnaamijyada software-ka, waana dhibaato soo wajihi doonto cinwaan bixinta magaalooyinkeena, sidaa waxaa Puntland Post u sheegay Eng. Siyaad Cali Yuusuf oo ah maamulaha Shirkadda Ramaas Software Ltd iyo qoraa dhinaca teknolajiyadda.

Ugu danbeyn waxaa loo baahan yahay in dawladda federaalka iyo maamulka Puntland kawada shaqeeyaan sidii loo saxi lahaa arinkaas waayo adeegyo badan sida safarada, ganacsiga iyo sharciga dhinaca online-ka ah ayaa ku xiran in magaalada Galdogob iyo kuwa kaleba lagu asteeyo dalka rasmiga ah ee ay ka tirsan tahay taas oo ah dalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post