Khamiis: July 8, 2021
Wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warbixin dhowaan kasoo baxday Global Initiative oo ah urur caalami ah oo daraaseeya dambiyada abaabulan, wuxuuna si gaara uga hadlay arimaha kalluumeysiga.
Warqad kasoo baxday wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya oo loogu jawaabayey Global Initiative ayaa lagu sheegay in warbixinta uu soo saaray ururkaasi ay tahay dacaayad lagu suura xumeynayo horrumarada laga sameeyey kalluumeysiga.
Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in warbixintan si gaar ah loogu beegsaday iyada, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed, sida qoraalka jawaabta ah lagu sheegay.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in arrintan looga gol-leeyahay in lagu difaaco dano shisheeye, gaar ahaan maraakiibta xaalufinta ka wada xeebaha dalka.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________