Khamiis: July 8, 2021
Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta mas’uuliyiinta Galmudug ku wareejiyay taakulo ka kooban raashin iyo shidaal loogu tala-galay ciidamada Galmudug ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa mas’uuliyiinta Galmudug oo uu matalayo Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug ku wareejinay bilowga Taakulada Puntland uga qayb qaadanayso la dagaallanka Al-shabaab ee deeganada Bacaadwayne iyo Wisil.
Munaasibadan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Agaasimaha Warfafinta Gobolka Mudug.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________