Isniin: july 5, 2021
Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in afar cisho, kadib la helay Meydka Allaha u naxariistee Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi.
Marxuumka oo horey loogu la’aa nolol iyo geeri ayaa waxaa haatan Meydkiisa soo helay ciidamada Booliska ee ka howl-gala Gobolka North West, kadib warbixin ay heleen.
Wararka ayaa sheegaya in meydka ganacsadahaasi uu markii hore soo arkay nin Hindi ah, kaas oo ku wargeliyey laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika oo ugu dambeyn goobta tegay, kana soo qaaday meydka muwaadinka Soomaaliyeed ee la weysanaa.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dilka marxuumka oo si arxan darro ah u dhacay loo adeegsaday rasaas, mana cadda sababta rasmiga ee loo dilay iyo cida ka dambeysa.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________