Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Maanta xireen Wariye Xuseen Cabdi Jimcaale (Diini)oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Bledweyne.
Wariyaha oo ah Wakiil wareedka Tv-ga RTN ee Magalada Beledweyne ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in amarka lagu xiray ay bixiyeen Madaxda sare ee Hir-Shabeelle eek u sugan magaalada Beledweyne.
Xogaha la helay ayaa sheegaya in sababaha loo xiray Wariye Xuseen Cabdi Jimcaale (Diini) ay tahay warbixin uu baahiyay shalay oo ay hadlayeen dhallinyaro kamid ah Golaha la magac baxday kacdoonka Go bolka Hiiraan, kuwaasi oo ka careesnaa Wasiirro ka tirsan Hir-Shabeelle oo shalay Beledweyne gaaray.
Qaar kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magalada Beledweyne ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xariga, waxaana uu kusoo aadayaa xilli xalay ilaa Maanta magaalada Beledwyene laga dareemayay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada ammaanka iyo kuwa uu hoggaamiyo Janeraal Xuud oo siwyen uga soo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________