Isniin: June 28 2021
Maamulkii ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka geysay gobolka Tigray ayaa la sheegay inay isaga carareen magaalada Mekelle oo xoogagga falaagada ee TPLF ay gacanta ku dhigeen, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP
“Qof kasta oo ka tirsanaa mamaulka dowladda wuu baxsaday. Kuwii u dambeeyay galabta ayay baxsadeen. Gobolka hadda waa maamul la’aan”, ayuu yiri masuul ka tirsanaa dowladda ku meel gaarka ah oo ka gaabsaday magaciisa.
Qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee ku sugan magaalada Mekelle ayaa sidoo kale xaqiijiyay in masuuliyiintii dowladda matalayay isaga ka baxeen magaalada.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________