849 Views

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Madaxa Bariga iyo Koofurta Afrika kulan kula qaatay Aaladda Fogaan Aragga

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo  Madaxa Bariga iyo Koofurta Afrika kulan kula qaatay Aaladda Fogaan Aragga
____________________________________________________________________________

 Khamiis: June 24 2021


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada.

Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Madaxa Hurumarinta Waxbarashada Banka Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah.

Wasiirka Waxbarashada ayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday ayada oo la isku afgartay dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Bankiga Adduunka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post