963 Views

South Afrika oo sheegtay in hooyada la sheegay in ay dhashay mataane 10 ah, aysan weligeed uur yeelanin dhalin

South Afrika oo  sheegtay in hooyada la sheegay in ay dhashay mataane 10 ah, aysan weligeed uur yeelanin dhalin
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 23 2021  

Dowladda South Afrika ayaa sheegtay in Gosiame Sithole, oo ah “hooyada” la sheegay in ay dhashay mataane 10 ah, aysan weligeed uur yeelanin.

Maamulka Gobolka Gauteng waxay sheegeen in ay sameeyeen baaritaan baaxad wayn, ayna ogaadeen in uusan jirin isbitaal dad-wayne iyo mid gaar ahba, oo haya diiwaanka carruurtaas la sheegay.

Maamulkaas wuxuu tilmaamay in ay ugu dambeyn soo beeniyeen sheegashadii ahayd in “10 canug oo mataano ah dhasheen”.

Qoraal ka soo baxay maamulka Caafimaadka, waxaa lagu sheegay in la ogaaday in Gosiame Sithole aysan dhalin wax carruur ah, weligeedna aysan uurba yeelanin.

Qoraalka laguma sheegin in ay jiraan sababo ku qasbay haweeneyda in ay warkan faafiso, laakiin waxaa la caddeeyay in loo sameynayo daweyn dhanka maskaxda ah iyo taageero guud.

Weriyihii billaabay warkan ee sii faafiyay, Piet Rampedi, ayaa hadda wajahaya xaalado adag – Maamulka Gobolka wuxuu amray in dacwad sharci ah lagu oogo weriyahaas.

Rampedi waa saxafiga qoray warbixinno badan oo uu ku sheegay in Sithole ay dhashay 10-canug oo mataane ah, ayna jebisay rikoorkii caalamka.

Waxaa wararkaas sii qaatay warbaahinta caalamka, oo daafaha dunida ku sii faafiyay. Waxaana bilowday ololeyaal tabarrucaad loogu uruuriyay lamaanahaas.

Balse, shakiga wuxuu bilowday markii Rampedi uu keeni waayay magaca isbitaalka ay “carruurta ku dhasheen”. Isbitaallada gobolkaas ayaana beeniyay in haweeneydaas ay xaruntooda ku dhashay.

:

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post