June 20 2021
Waxaa jira meelo badan oo la yaqaano in qofka ay ciidammada ilaalada ka hor istaagaan inuu galo. Waddanka Pakistan, goobtaas waxaa suuragal ah inay noqoto dukaanka lagu iibiyo nigisyada iyo rajabeetooyinka, halkaas oo dharkaas gudaha laga xirto oo ay ceeb tahay a ah.
Shan iyo toban bilood ka hor, Mark Moore ayaa laba nin waxa ay ka hor istaageen inuu galo dukaan muraayadihiisu ay madow yihiin oo ku yaal caasimadda Pakistan ee Islamabad. Maxaad doonaysaa ayey waydiiyeen, miyuu moodayay inuu gudaha u geli rabo dukaan lagu gado dharka gudaha ay haweenka ka xirtaan?
Waxa ay u ogolaadeen inuu gudaha galo kaddib markii Mr Moore saaxiibkii uu u sheegay been in ah inuu yahay diblumaasi doonaya inuu xaaskiisa u gado dharka gudaha laga xirto.
Hasayeeshee dhab ahaantii, ganacsadahan ku dhashay magaalada Leicester ayaa waxa uu samaynayay cilmi-baaris taas oo uu rajaynayay inay gacan ka siin doonto howlgalkiisa – kaas oo ah inuu soo saaro dharka gudaha laga xirto oo tayo leh, raqiis ah oo ay ku qancaan haweenka Pakistan.
Dhibaatadu waxa ay tahay, in ciidammada ilaalada ah ay qeyb ka yihiin xayiraadihii ka horyimid.
Waxa ay arrintaas isugu soo uruuraysaa in dhab ahaantii ragga iyo haweenka ay fikradahooda aad u kala duwan yihiin marka ay timaado dharka hoosta laga xirto. Marka ragga laga hadlana waxa ay badanaa u arkaan “wax soo jiidasho iyo dareen leh”, ayuu leeyahay Mr Moore.
“Waxa ay ka hadlaan sida uu jirka dharkaas ugu soo baxayo… Halka haweenka ay doonayaan dhar la eg oo tayo leh ayna xiran karaan.”
Inta badan haweenka ku nool waddanka Pakistan – ma iibsan karaan dharka qaaliga ah ee dalka la keeno – iyadoo dhar la eg uun ay niyadda ka jecel yihiin.
“10-kii sanadood ee la soo dhaafay, ma aanan helin dharka gudaha laga xirto oo ila eg iyo qaabkaba aan doonayaba,” Hira Inam, oo 27-jir ah, ayaa BBCda u sheegtay iyadoo hortaagan suuqa Anarkali ee magaalada Lahore. “Tayada dharku ma wanaagsana. Cuncun ayaana kugu bilaabanaya markii aad dhididid, furuurac ayaana kaa soo baxaya, marka ma ahan midaad jeclaysanaysid.”
Hadalkeedaas waxaa taageeray haween kale oo suuqa ku sugan.
Baahida loo qabo dharka gudaha laga xirto oo tayo leh jabanna ayaa iska cad – sidaas oo ay tahayna dharka uu soo saaro Mr Moore ee lagu sameeyay warashadda dharka ee ku taal xarunta warshadaha dharka ee magaalada Faisalabad ee Pakistan, isagoo rajo wanaagsan ka soo dhaxlay sanadihii uu u shaqaynayay shirkadda Britain ee M&S and Debenhams, ayaa haddana ay iskafaallooyinka iska camiran yihiin.
Maxay tahayse sababtu?
Marka hore dad badan maba yaqaannaan. Sidoo kale in dharkaas loo suuq-geeyo haweenka Pakistan ayaa iyana adag. Dharka gudaha laga xirto ayaa ah mid laga khajilo iibgayntiisa iyo in meel fagaare ah looga hadlaba.
Muddo kaddib warka oo ay dadka isgaarsiyeen ayaa muhiim noqotay. Soddon sanadood ka hor, tafaariiqlayda iibiya dharka gudaha laga xirto ee tayada leh ee Karachi ayaa waxa ay inta badan ku tiirsanaayeen dadka sii sheega tayada badeecadooda.
Haweenka meelaha fogfog ku noolna wargeysyada ayey ka arkaan xayeysiimaha sida taxadarka leh loo soo xushay ee macaamiisha lagu doonayo.
Hasayeeshee waqtigan internetka loo wareegay, wargeysyadaas ayaa hoos u dhacay. Dhanka kalase olole lagu sameeyay baraha bulshada ayey suuragal tahay in wax soo saarkaaga lagu asteeyo mid xun.
Ma ahan in haweenku aanay indhahooda qabanayn dukaamada dharkaasi laga arki karo. Mr Moore ayaa dhammaan arrimahaasi ogaaday bilo ka hor, in inta badan dukaamada lagu iibiyo dharka gudaha laga xirto aanay astaan lahayn darooshadahooduna ay mugdi yihiin – taas oo ka dhigan in inta badan dadka halkaas maraya ay ku adagtahay xitaa inay maleeyaan waxa gudaha lagu iibinayo.
Waxaa jira dukaamo caan ku ah iibinta dharka gudaha laga xirto hasayeeshee ay dad gaar ah wax ka gataan.
Inta badan shirkadaha dharka sameeya ee uu booqday Mr Moore, ayaa intooda badan saraakiisha iyo dadka wax naqshadeeyaa waxa ay horumariyaan nigiska ragga.
“Waa in aan aragtiyahaas aannu u gudbinnaa ragga,” ayuu yiri Qamar Zaman, oo madax ka ah qeybta howlgelinta ee warshad ku taal magaalada Faisalabad.
“Haweenku ama raggaas ayey kaalmeeyaan amaba fikradahooda ayey arrinta ka dhiibtaan. Hasayeeshee waa sheeko aad u adag in qol ay rag fara badan ka buuxaan ay haweenku ku qancaan inay ra’yigooda ka dhiibtaan waxa ay jecelyihiin inay gudaha ka xirtaan.”
Dhab ahaantii, arrintaasi ayaa khajilaadda ah taas oo la xiriirta ka hadalka dharka haweenka ay gudaha ka xirtaan oo waqtiyo badan lagu faaqido dhismaha warshadda.
Sumaira oo ka mid ah shaqaalaha ayaa waxa ay qeexday in ninkeeda uu usoo raacay wareysigii shaqada.
“Markii shaqada la I siiyay, ninkaygu waxa uu I waydiiyay inaanan xubnaha kale ee qoyska aanan u sheegin halka aan ka shaqeeyo. Sababtoo ah halkaas ayey wax ka samaynaynayaan.”
Anwar Xuseen ayaa BBCda u sheegay in bilowgii hore uu mucaaradad badan kala kulmay qoyskiisa iyo saaxiibadii.
“Saaxiibaday ayaa ku shactiraysta halka aan ka shaqeeya. Qoyskayga ayaa diiday inaan aado warshadda. Markii ugu dambayntii aan ku biirayna, waan xishooday markii aan arkay nigisyada haweenka. Hadda xaalkeygu waa uu ka wanaagsan yahay sidii hore. Sababtoo ah waxaan hayo waa uun shaqo.”
Sikastaba xaalku ha ahaadee, haatan shaqaalaha warshadda ayaa arrimo kale ka warwara. Haddii arrintan aanay shaqayn – oo weliba aanay degdeg u shaqayn – ayaa waxaa laga yaabaa in Mr Moore uu go’aansado inay aad u adag tahay howshan, dukaankiisa uu xiro uuna isaga tago shaqaalaha tirada badan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________