1434 Views

Madaxweynaha Puntland oo dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo  dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Garoowe
____________________________________________________________________________

 June 20 2021

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo loona dhisayo hab casri ah.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya, wuxuuna u mahadceliyay dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’adda  UNICEF oo fulinaysa dhismaha.

Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Madaxda Hay’adda UNICEF, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo Injineerada dhisaya dhismaha cusub ee Isbitaalka guud ee Garoowe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post