June 14 2021
Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in manta halkaas ay ka socoto dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo duqeymaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay gobolkaasi ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya.
Dibad-baxani oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey arayo ka dhan ah dowladda Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe, sida Kenya ha dhacdo, daba-dhilifka ha dhaco iyo erayo kale.
Sidoo kale Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee ay magacowday dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Gareed oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay xasuuq ka wado gobolka Gedo, isla-markaana loo baahan-yahay in laga hortego dhibaatooyinka ay waddo.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________