June 13 2021
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Kenya ugu baaqday in ay furto Safaaradeeda Soomaaliya islamarkaana ay soo celiso xariirkii Diplumaasadeed ee labada dal.
War rasmiya oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay furi doonto Safaaradeeda Nairobi si loo soo celiyo xiriirkii iyo wada-shaqayntii labada dowladood.
“ Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa wuxuu noqon doonaa bilow wanaagsan oo ku aaddan bilowga wada-hadallada labada dal u dhexeeya” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.
Sidoo kale hadalkan ayaa ku soo aadaya Xili Kenya ay sheegtay in ay dib u bilaawday Duuliimaadyadii ka imaan jirtay Muqdisho oo ay Xayirtay Bishii hore iyo Duulimaadkii ugu horeeyay oo Muqdisho ka imaado oo manta Nairobi imaanaya.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________