Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah uu u dirayo Kenya si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidankan gaar ah oo iskaashi xagga dagaalka iyo xogaha kale la wadaagi doona Millatariga dalka Kenya ayaanan la shaacin tiradooda iyo xilliga ay tagayaan.
Ciidanka Maraykanka uu u dirayo Kenya ayaa la filayaa inuu wax badan ka qabto sare u qaadista ammaanka dalka Kenya, halkaas oo ay mararka qaarkood weerarro gaadma ah ka geystaan Al-Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar weeraro kala duean ka fuliya gudaha dalkaas.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________