June 5 2021
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymo la sheegay in shalay diyaaradaha Kenya ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Gedo oo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah oo Ciidanka Kenya ka geysteen Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo 3-dii bishan uu keenay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in howlgallada Ciidanka Kenya ay yihiin kuwo ka baxsan hanaanka Ciidanka AMISOM, islamarrkaana aysan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah.
Waxay tilmaantay in howlgallada ay Ciidanka Kenya ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ay yihiin kuwo aan wax ku soo kordhin doonin dadaallada loogu jiro xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada, laakiin ay yihiin kuwo sii xagjiraynaya dadka taageera xag-jirnimada.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________