1302 Views

Dowlada Qatar oo sheegtay in ay dhex dhexaadinayso Mareykanka iyo Ururka Xamas

Dowlada  Qatar  oo sheegtay in ay dhex dhexaadinayso Mareykanka iyo  Ururka Xamas
____________________________________________________________________________

June 4 2021

Qatar waxay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso quwadaha gobolka si loogu guuleysto ammaan iyo xasillooni, waxaa sidaas sheegtay afhayeenka wasaaradda arrimaha Dibedda Qatar Lolwah Al-Khater.

Lolwah Al-Khater oo wareysi siisay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik ayaa sheegay n dhex-dhexaadintan ay qeyb ka tahay dowladda Mareykanka iyo ururka muqaawamada Falastiin ee Xamas.

Lolwah ayaa ka jawaabeysay su’aal ku saabsaneyd suurta-galnimada ah in Doha ay dhex-dhexaadiso kooxda wax iska caabinta reer Falastiin ee Xamas iyo Washington.

Mareykanka ayaa Xamas ugu yeera urur argagixiso, wuxuuna si aad ah u taageeraa dowladda Yahuudda ee gumaadka ku haysa Falastiiniyiinta. Qatar ayaa iyana dhankeeda taageerta Xamas, ayada oo siisa dhaqaale, sidoo kalena hoggaamiyayaasheeda ku marti-gelisa Doha.

Ma cadda haddii Mareykanka ay ogolaan doonaan wada-hadal ay la galaan Xamas, maadaama ay saameyn badan ku leedahay Israel.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha Dibedda Qatar Lolwah Al-Khater, waxaa sidoo kale wax laga weydiiyey haddii dhex-dhexaadin loo sameeyo quwadaha gobolka ee Iran iyo Saudi Arabia ay suurta-gal tahay.

“Tani weli la iskuma soo qaadin hase yeeshee qatar waxay soo dhoweyneysaa suurta-galnimada arrintan,” ayey tiri, ayada oo carabka ku adkeysay muhiimadda wada-hadal lala yeesho Iran oo ku saabsan “in sida nabad ah loogu wada noolaado gobolka.”

Lolwah ayaa sidoo kale sheegtay in casuumada ay Qatar u dirtay madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi si uu usoo booqdo Doha ay weli furan tahay, ayna taariikhda booqashadan kala shaqeyn doonaan Qaahira.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post