\May 31 2021
Waxaa magaalada Muqdisho manta ku kulmay siyaasiyiinta koonfur Galbeed ool aan lagu aqoon in ay yeeshaan kulan wadareed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen), Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Aadan Madoobe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiya golaha shacbaka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo masuuliyiinta kale ee kulankan maanta qeybta ka ahaa ayaa ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashada oo dhawaan heshiis laga gaaray.
Sidoo kale Beeshaan ayaan caan ku ahayn kulamada Nuucaan oo kale ah, waana Markii ugu horaysay Muqdisho ay ku kulmaan siyaasiyiinta ka soo jeedo Dowlada K/galbeed.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________