May 30 2021
Dowladda sacuudiga oo xayiraadii socdaal ka qaaday 11 dal oo u badan reer galbeedka iyo Soomaaliya oo liiska cas kusii jirta.
Sacuudi Carabiya ayaa xayiraadii ka qaaday 11 dal oo markii hore lagu soo rogay xayiraad ku saabsan faafitaanka noocyada kala duwan ee cudurka coronavirus.
Muwaadiniinta dalalka Imaaraadka, Jarmalka, Mareykanka, Ireland, Talyaaniga, Boortaqiiska, Boqortooyada Midowday, Iswiidhan, Switzerland, Faransiiska iyo Japan ayaa loo ogolaaday inay galaan Boqortooyada iyagoo fulinaya xeerarka karantiilka.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee Sucuudiga (PHA), dalalkan waxa la sheegay in ay muujiyeen in ay hoos u dhigeen halista COVID-19.
Dalalkaas waxay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Armenia, Somalia, Congo, Afghanistan, Venezuela, Belarus, iyo India.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________