May 29 2021
Waxaa goor dhawayd furmau kulan u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Wakiilada Beesha Caalamka.
Kulanka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa looga hadlayaa Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga Dalka ee dhawaan Madaxda Soomaalida ay heshiiska ka gaareen.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayaa sidii hoggaamiyeyaasha Soomaalida u dhaqan gelin lahaayeen heshiiska, iyaga oo taageero dhinac walba ah ka helaya Wakiilada Beesha Caalamka.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________