.
May 26 2021
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay galabta Maqribkii weerar gaadmo ah ka geystay inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere oo kala bara magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkaas uu ka dhacay Tuulo lagu sheegay Magaceeda Xaayow oo ay ku sugnaayeen ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo isku baheystay in wadada laamiga ah ee xariirisa Gurceel iyo Dhuusamareeb ay ka difaacaan Al-Shabaab.
Ku dhawaad 5 ka mid ah ciidanka Macawiisleyda ah ee iska abaabulay deegaankaas ayaa la sheegay in Dagaalkaas ay ku dhinteen, halka ay jiraan dhaawacyo kale iyo gaadiid meesha lagu gubay.
Sidoo kale markii gobollada dhexe lagala wareegay ururkii Ahlu-Sunna. Kooxda Al-Shabaab ayaa culeys badan soo saartay magaalooyinka ugu muhiimsan Galgaduud ee Dhuusamareeb iyo Gurceel, waxaana cabsi lagu maraa wadada uu galabta weerarku ka dhacay ee xariirisa labadaas magaalo.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________