May 24 2021
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tababar Magaalada Dhuusamareeb uga furtay qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howlgala Xarumaha Caafimaadka Deegaannada Galmudug, si sare loogu qaado xirfadda shaqaalaha ka howlgala xarumaha Caafimaadka gaar ahaan, Kahortagida Iyo Maareynta isqaadsiinta xanuunka COVID19.
Tababarkan ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray Kahirgalinta dhamaan goobaha caafimaad habka caalamiga ah ka digtoonaada isqaadsiinsa cudurada, kordhinta wacyigalinta bulshada iyo diyaarinta nidaamka iskuxirka bulshada iyo Xarumaha ku howlan Caawinta bukaanada uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, sida uu ugu horeynta faah faahiyay Abdihakim Mohamed Diriye Agaasime qorshaynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimadka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa shaqaalaha ka faa’iideysanaya tababarkan kula dardaarmey in ay Sare u qaadaan aqoontooda maadaama Wasaaraddu diirada saareyso tayeynta adeeg bixinta Caafimaadka iyo kordhinta goobaha bulshadu ka heli karto shaqaale xirfad Sare leh.
Tababarkan ayaa kusoo beegamaya xili wali ay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ku howlan tahay ka hortagida iyo yareynta qatarta COVID-19, isla markaana waxaa ka soo qayb galey in ku dhow 30 ka mid ah shaqaalaha ka howlgala Isbitaalada Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo Dhuusamareeb joogaya mudo 6 maalmood ah oo tababarka soconayo.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________