May 24 2021
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye (Qoorqoor) ayaa kulan la qaatay danjiraha Dowlada Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi iyo ku-xigeenkiisa.
Kulanka ayaa looga wada hadlay howlaha horumarineed ee Dowladda Talyaaniga ka wado deegaanada Galmudug.
Danjiraha ayaa u xaqiijiyay in Dowladda talyaaniga sii xoojin doonto teegerada shacabka iyo dowladda Galmudug.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahadceliyay garab istaaga Dowladda Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________