May 23 2021
Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo rogtay amar hor leh oo ku saabsan Xajka sanadkan 2021-ka.
Waxay sheegtay in 60,000 oo qof oo keliya loo oggolaan doono inay ka qeyb galaan Xajka sanadkan.
Dadka doonaya inay xajiyaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da. Si aan wax badan uga ogaanno shuruudaha Xajka sanadkan ee ay soo rogtay boqortooyada Sacuudiga,
ayaa waxaan khadka telefoonka kula xiriirnay Dr. Maxamed Xuseen oo ah Soomaali deggan magaalada Riyadh, Kawsar Maxamed Cabdullaahi ayuuna u warramay.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________