1404 Views

shirkii Teendhada Afisyoone ee arrimaha doorashooyinka oo furmay

shirkii Teendhada Afisyoone ee  arrimaha doorashooyinka oo furmay
____________________________________________________________________________

May 22 2021

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Arrimaha shirkan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah dhammeystirka heshiiskii 17 September iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka.

Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Waa mid isha lagu wada-hayo waxa kasoo baxi doono

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post