Wasaaradda deegaanka Beeraha iyo isbedelka cimiliada Puntland, ayaa warqad ay soo saartey kaga mamnuucay xoolo dhaqatada dooxooyin gaar ah.
Dooxooyinkan ayaa waxaa la kala yiraahdaa Cada – Dheero iyo Laba Dulay ee gobolka Nugaal, iyadoo xanibaaddu ay socon doonto labo toddobaad.
Sababaha looga mamcuunay Xoolo dhaqatada dooxooynka ayaa waxaa lagu sheegay in la doonayo in la nasiyo si naq fiican uu uga soo baxo, waxaana la faray Xoolo dhaqatada inay amrkaas qaataan.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________