May 17 2021
Maalmo ka hor ayay ahayd Markii Diyaarad laga leeyahay Dalka Kenya kana howlgasha Somaliya ay u duushay magaalada Hargaysa ee Somaliland, Xili Xayiraad dhinaca Hawada ah ay saartay Dowlada Kenya Soamliya.
Wararka ayaa sheegaya in Dowlada Somaliya ay aad uga carootay ayna ka mamnuucday shirkad ka diiwaan-gashan Kenya kadib markii ay Hargeysa ka dejisay qalab loogu talo-galay doorashooyinka Somaliland oo ay ka qaaday Nairobi.
Shirkaddan oo lagu magacaabo Astral Aviation ayaa laga mamnuucay kadib markii ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya, oo ay Hargeysa tagtay ayada oo aan ogolaansho haysan.
Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa 14-kii May u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________