May 17 2021
Diyaaradaha caalamiga ayaa hakiyay duulimaadyadoodii ay ku tegi lahaayeen garoonka diyaaradaha Israa’il ee Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv.
Gantaalaha kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa awood u yeeshay inay gaaraan garoonka diyaaradaha Isaraa’il iyo magaalooyinka kale ee ay Israa’il xoogga ku haysato.
Shirkadaha Delta Airlines, United Airlines, Lufthansa iyo Austrian ayaa isbeddel ku sameeyay jadwalkoodi duulimaad ee ay ku tegi jireen Israa’il.
Sidoo kale Etihad Airways iyo Fly dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraatka ay si rasmi u joojiyay duulimaadyadii ay ku aadi lahaayen Israa’il.
Israa’il ayaa duqeyn aan kala sooc lahayn ka fulisay marinka Gaza, waxeyna ku dishay in ka badan 180 qof oo ay ku jiraan 50 carruur ah.
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan ka yeesho xaaladda Falastiin iyo Israa’il si xal deg deg ah looga gaaro dagaalka socda.
.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________