1182 Views

Wasiir Beyle oo ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka Hirshabeelle

Wasiir Beyle   oo  ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

May 14 2021

Saacado kadib eedayn ay maamulka Hirshabeelle  u jeediyeen Dowlada waqtigeeda dhamaaday gaar ahaan wasaarada maalinyada ayaa waxaa ka jawaabay wasiir Beyle.

Eedayntaan ayaa timid kadib Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya  maamulka  Hirshabeelle ay sheegeen in ay xayirtay lacago loogu tala galay in wax looga qabto Fatahaada wabiga Shabeelle.

Warsaxaafadeedka Guddiga fatahaadaha Hir-Shabeelle kasoo baxay waxaa Wasaaradda Maaliyadda lagu eedeeyay in ay is hor istaag ku sameysay lacag laga fasaxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Janaayo 2021.

War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa:

Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, markay aragtay war saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Maamulka Hirshabelle ee maaraynta musiibooyinka, waxay caddaynasaa sida ay u socdaan hawlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle.

Ad by Valueimpression

1. Mashruuca waxa uu bilaabay qiimeynta baahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shabelle iyo Jubba 27 Marso 2021. Qorshaynta hawlaha waxaa si wadajir ah u fuliyay Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) iyo dawlad Goboleedka aan kor ku xusnay.

2. Waxaa la sahmiyay 71 goobood oo laga fulinayo ka hortagga fatahaadaha.

3. Waxaa la diyaariyay naqshadaynta loo raacaayo biyo xirista 5 April 2021.

4. Waxaa la furay u tartanka fulinta hawlaha ka hortagga fatahaadda.

5. Waxaa soo tartamay 44 qandarasleyaal oo maamulka Hirshabelle soo xulay (Jowhar 19 iyo Beletwayne – 25)

6. Laba shirkadood ayaa hadda hawlo biyo xirid ah ka wada 7 goobood (sites) gobolka Hiiraan.

7. Waxaa diyaar ah 10 qandaraaslayaal (contractors ) oo hawlgeli doona usbuuca soo socda: 6 shirkadood oo ka howlgali doonna Beletwayne iyo 4 ka howlgali doonna Jowhar iyo nawaaxigeeda. Wasaaradda Maaliyadda ee DFS waxay dhibaatada fatahaadaha la qaybsanaysaa Dowlad Goboleedka iyo shacbiga reer Hirshabelle.

Waxaa dadaal aan ugu jinaa dardargelinta hawlaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) uga qorshaysan degmooyinka Hirshabelle.

Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay.

Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Guddiga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsanaysa inay caddaymo ka bixiso lacagaha ay ku eedeyeen in dawladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda degaanada Hirshabelle.

Dhammaad

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post