May 14 2021
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhinaca dhulka kaga soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka ayaa ku gaaray Magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa Gaalkacyo waxaa kusoo dhaweeyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka General Kaniif oo Maanta halkaas gaaray iyo Masโuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku hakaday Magaalada Cadaado oo uu kula kulmay Masโuuliyiinta Magaalada iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo kala hadlay xaaladda guud ee Cadaado iyo amniga.
Ujeedka Madaxweyne Qoorqoor ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay xal ka gaarista qalalaaso ka dhashay dilkii dhawaan halkaas loogu gaystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo la tilmaamay inuu ahaa Samafale.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiiro, Xildhibaano iyo Masโuuliyiin kale oo ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug, iyagoona saakay ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________