1095 Views

Soomaaliya oo cambaareeysay weerarkii Israel ku qaadeen masijidka barakeysan ee Al-Aqsa

Soomaaliya oo cambaareeysay weerarkii Israel ku qaadeen masijidka barakeysan ee Al-Aqsa
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Dowlada Soomaaliya ayaa si adag uga soo hor jeesatay Weerarada Bahalnimada ah oo ay ciidamada Israel ku qaadeen masijidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Balaal Maxamed Cismaan oo Aaladda fogaan arragga uga qeyb-galay  shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii ay ciidamada Israel ku qaadeen masijidka barakeysan ee Al-Aqsa.

 “Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso Warbixinta

Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdulraxman Al Thani, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Guddoomiyaha kalfadhiga hadda socda Mudane Axmed Abu Al-Ghait – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta. Iyo Dhamaan Mudanayaasha kale ee sharafta leh.

Asalaamu calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu (ASC)

Qabashada kulankeenna deg-deg ah ee heer Wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowladda walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.

Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin.

Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed, ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah.

Soomaaliya waxay xaqiijineysaa u hogaansananta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.

Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay.

Gabagabadii, waxaan cusbooneysiineynaa go’aankeena ah inaan sameyno dadaal kasta si aan ugu adeegno sababaha dalalkeenna, waxaana ilaah ka baryeynaa inuu naga caawiyo danta ugu fiican qarankeena iyo inuu nagu taageero dadaaladeena si aan uga gudubno xaaladaha gaarka ah ee ummaddeena Carabta ah la soo dersaya.Eebbe ayaa Kaalmo iyo Ilaalinba weydiisaneynaa

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post