Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawinayso nidaamka Garsoorka si uu u noqdo mid wax ku ool ah oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.
Qoraal ka soo baxay Waaxda Cadaallada Maraykanka ayaa lagu yiri “Mareykanka wuxuu ka caawinayaa Soomaaliya in ay ka dhigto nidaamkeeda garsoor mid wax ku ool ah” oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo waqti dheer aan helin garsoor la isku halayn karo.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka shaqaynayo “sidii loo mideyn lahaa ku dhaqanka shuruucda ee hay’addaha garsoorka hoostaga Dowladda Faderaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka”.
Maraykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada amaanka, Dhaqaalaha, waxbarashada, gargaarka siyaasadda iyo garsoorka waxa uuna ka midyahay dowladaha in lacagta ugu badan ku taageera hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________