1182 Views

Dalka Portugal oo ka tirsan Yurub oo billaabay uu khafiifiyo bandowagii saarnaa xanuunka COVID19

Dalka Portugal  oo ka tirsan Yurub oo billaabay uu  khafiifiyo bandowagii saarnaa xanuunka COVID19
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa billaabay inay khafiifiyaan bandowagii saarnaa ee la xiriiray xanuunka COVID19, waxaana shalay laga qaaday dalka Portugal xanibaadihii saarnaa.

Maqaayadaha wax laga cuno iyo goobaha cabitaanada ayaa furnaan doona ilaa 10:30 fiidnimo, iyada oo miiskiiba ay fariisan karaan lix qof meherada gudahooda.

Sidoo kale Banaankana waxaa  fariisan kara  ilaa 10 ruux, waxaana badiba meheradaha furnaan doona ilaa sagaalka fiidnimo maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha halka dabayaaqada todobaadkana ay furnaan doonaan ilaa todobada fiidnimo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post