Magaaladda Muqdisho waxa maalintii labaad ku sugan wafdi uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan arimaha xalinta khilaafaadka Mutlaq Majed Al-Qahtani.
Al-Qahtani iyo wafdigiisa ayaa kulankoodii ugu horeeyay xarunta madaxtooyada waxa ay kula leeyihiin madaxweynaha mudo xilleedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo.
Caawa ayaa waxa la filayaa in ay wafdigu la kulmaan hogaamiyayaasha mucaaradka, kulankaas ayaa ka dhacaya Hotelka Decele ee magaaladda Muqdisho.
Wafdigan oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ayaa soo maray Magaalada Hargeysa, waxaana galin dambe ee shalay lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaraha magaaladda Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale shalay xafiiskiisa ku qaabiley weftigan, waxa ayna ka wada hadleen sida Qatar gacan uga gaysan karto kaalmada Somaliland ka hesho wadama carabta.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________