April 30-2021
Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in dalka Hindiya loo dirayo sahay qiimaheedu dhan yahay 100-milyan ,si ay qeyb uga noqoto la-tacaalidda dalkaasi uu ugu jiro kororka kiisaska COVIDb 19.
Duulimaadyada tagaya dalka Hindiya ee wada Sahayda ayaa lagu wadaa in ay bilowdaan,iyadoo howsha daabulka ay socon doonto illaa todobaadka soo socda.
Sahayda gargaarka ee la dirayo waxaa ka mid ah 1,000 haaman oo oksijiin ah, 15 milyan oo afgashi iyo hal milyan oo ah qalabka lagu ogaado baaritaanka degdegga ah.
Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu Hindiya caawiyo Ka dib markii Hindiya ay horay gargaar ugu dirtay Mareykanka xilligii uu la halgamaayey xalka cudurka Covid 19.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________