939 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Hanti dhowrahii guud ee Dowlada Jubaland

Madaxweynaha Jubbaland oo ka Tacsiyeeyay Geeridii  ku timid Hanti dhowrahii guud ee Dowlada Jubaland
____________________________________________________________________________

April 29-2021

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, iyo kan Goleyaasha kala duwan ee Dowlada waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland, qaraabadii, qoyskii iyo Saxiibadii uu ka baxay uga Tacsiyeeyay Alle ha u Naxariistee Hanti dhowrahii guud ee Dowlada Jubaland Marxuum Cabdicasiis sheekh Xuseen Dayib oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Alle ha u Naxariistee Cabdicasiis wuxuu ahaa qof afgaaban oo alle ka cabsi badan isla markana hormuud u ahaa nabada iyo wadajirka wax walbana ka hormarin jiray danta guud ee ummada.

“ Marxuum Cabdicasiis wuxuu kamid ahaa aas aasayaashii Dowlada Jubaland isagoo mar walba ay ku weynayd sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad iyo walaalnimo ugu wada noolaan lahayeen wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala duwan isagoo wakhti iyo naf huris u muujiyay wakhtiyo adag oo bulshadu ay u baahnayd.” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu Alle “SWC” uga baryay marxuumka inuu u danbi dhaafo naxariistii janana rabi uu ka waraabiyo.

DHAMAAAD

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post