April 25-2021
Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda federaalka oo ku sugnaa difaacyada deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa soo galay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay.
Ciidamadan oo Wata ku dhawaad 16 gadiidka Dagaalka ah ayaa waxay ka soo hor jeedaan mudo kordhinta farmaajo iyo Dubbe ay samaysteen.
Markii arrintaan ay ka war heshay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa wadooyinka qaar ee magaalada la dhigay ciidamo kale, kuwaasi oo xiray dhowr isgoys.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ku amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage in uu ka hortago ciidamadaasi, waxaana Jeneral Odawaa uu gaaray deegaanka Sheekh Cali Cabdulle oo ciidamadaasi taliyeyaashooda ay ku sugan yihiin isaga oo kula kulmay Col. Saneey Cabdulle oo hoggaaminaya ciidamadaasi, hase yeeshee kulankooda ayaa noqday mid aan waxba kasoo bixin.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________