1680 Views

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka oo soo jeedisay in Ciidamada laga saaro Liibiya.

____________________________________________________________________________

April 23-2021
Wasaaradda gaashaandhigga dowlada Mareykanka, ayaa sheegtay in waddada kaliya ee Liibiya, looga baahan yahay ay tahay in dhammaan dhinacyada ay u hoggaansamaan heshiiskii xabad joojinta ee horay loo gaaray, sidoo kalana lagana saaro dhamaan ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalkaas.

Jessica McNulty, oo u hadashay Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa tiri: “Mareykanku wuxuu sii wadayaa taageerida Madasha Wadahadalka Siyaasada Liibiya, wuxuuna si dhab ah ula tacaalayaa qatarta ka imaankarto kooxaha argagaxisada ee Liibiya ku sugan, oo ay ku jiraan ISIS iyo Al-Qaacidada.”

Afhayeenka ayaa tilmaamtay in Mareykanku uu ka soo horjeedo dhamaan dhaq dhaqaaqyada militari ee ciidamada shisheeye ay ka wadaan Liibiya, wuxuuna taageerayaa dhaqan galinta xabad joojintii lagu dhawaaqay 23-kii Oktoobar, 2020, kaa oo sidokale ay ku jirtay heshiiskii ku saabsanaa in si deg deg ah ay ugu baxaan dhamaan ciidamada shisheeye.

Washington ayaa xustay in ay ka walaacsantahay faragalinta Ruushka, ee dagaalada Liibya, iyo sidoo kale NATO iyo danaha Yurub ee badda Mediterranean-ka.

office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post