April 23-2021
Wararka ka imaanaya Dalka Chad ayaa sheegaya Hogaamiyaasha Africa iyo kuwa Caalamka ay kusii qulqulaya Dalka Chad.
Hogaamiyayaashan ayaa u socda si ay uga qeyb galaan Janaasada Madaweynihii la dilay ee Chad Idris Deby, Waxaana jira digniino ka imaanaya kooxdii Falaagada ahayd oo sheegtay inay Hogaamiyaasha uga digayaan inay Janaasada kasoo qeyb galaan madaama ay 300 ilaa 200KM u soo jirsadeen dhinaca Caasimadda Chad.
Sidoo kale Madaxweynaha Gani ayaa tagay dalkaasi si uu Janaasada uga qeyb galo, sidoo kale waxaa la filayaa inuu tago Madaxweynaha Dalka France Imanwal Makaroon.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________